Sida Looga Adkaado Caadooyinka keena Dib-u-dhaca Nolosha
Dib-u-dhacu waa caado si qarsoodi ah nafta u dhaawacda. Waa sida maskaxdaada oo kuu sheegaysa inaad dib u dhigto hawlaha muhiimka ah, iyadoo ay noqon karto mid keenta culays, niyad-jab, iyo dareen ah inaad ka gaabisay gaadhitaanka hadafkaaga. Si kastaba ha ahaatee, waa suurtagal inaad ka adkaato caadaddan, taasoo u baahan rabitaan iyo xeelado gaar ah. Halkan waxaa ku jira dhowr talo oo kaa caawin kara inaad si guul leh u wajahdo dib-u-dhaca nolasha:
1. Ogaaw Sababaha keena Dib-u-dhaca
Dib-u-dhaca badanaa wuxuu ka yimaadaa dhowr sababood:
- Cabsi: Waxaa laga yaabaa inaad ka baqeyso inaad ku guuldarreysato hawsha ama inaad sameyso qalad.
- Dheelitir La’aan: Mararka qaar waxaa lagugu
qasbaa inaad qabato hawlo badan taasoo kugu adkaysa qabashadaa hawshaas .
- Niyad-jab: Haddii aad u aragto hawsha inay tahay mid culus ama aan xiiso lahayn, waxaad dareemi kartaa daal, taasoo ka dhigeysa inaad dib u dhigto hawsha
- waxa sababa Qaladka: Waxaa laga yaabaa inaad
isku daydo inaad dhammaan shaqada qabato hal mar, taas kugu keenaysa niyad jab marka ay noqoto mid aan dhamaad lahaayn
Marka aad fahanto sababaha kuu keenaya dib-u-dhaca, waxaad si fudud u heshay xalka
2. Samee Qorshe Fudud oo La Qaban Karo
Dib-u-dhaca inta badan wuxuu ka dhashaa in hawsha ay u muuqato mid weyn ama adag. si aad uga adkaato samee habkan :
- U kala qaybso hawsha qaybo yar-yar: Hawlaha waaweyn waxay u muuqdaan kuwo culus haddii loo eego si guud, laakiin marka aad u kala qaybiso, waxaad ogaan doontaa inay fududahay in la qabto qayb kasta.
- Bilow qaybta ugu fudud: Markaad bilowdo hawsha, dooro qaybta ugu sahlan si aad isugu dhiirrigeliso. Waxay kuu noqon kartaa fure si aad u sii waddo hawsha.
- Isticmaal 10-da daqiiqo ee hore: Qorsheyn ku samee inaad bilowdo hawsha kaliya 10 daqiiqo. Mar haddii aad bilaawdo, waxaad ogaan doontaa in hawsha ay fududaan doonto hadii aad sii wadato.
Ka Fogow Waxyaabaha Qasaya Maskaxdaada sida:
baraha
bulshada iyo taleefannada casriga ah waxay qayb ka yihiin in waqtigaagu uu ku
lumo meel aan faa’iido lahayn. inaad garan waaydo waxtigu goor u kudhaafay ,waayo waxa sabobaya tilifoonka waana dilaaga qarsoon ee wakhtiga
4. Is Abaal-mari
Mid ka mid ah hababka ugu fiican ee lagu qanciyo naftaada waa abaal-marinta. Waxaad dareemi doontaa dhiirrigelin dheeraad ah haddii aad naftaada abaal-marisid:
- Daawo wax aad jeceshahay: Haddii aad dhammayso hawl, qaado waqti si aad ugu raaxaysato waxyaabaha aad jeceshahay,
- Qaado nasasho: U ogolow naftaada nasasho kaddib shaqo adag. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad maskaxdaada ku cusboonaysiiso.
- Qor waxyaabaha aad dhamaysay: Qor liiska hawlaha aad dhammayso, si aad ugu aragto horumarkaaga iyo sida aad uga adkaatay caadooyinka dib-u-dhaca.
5.ABUURO CAADOOYIN CUSUB
Dib-u-dhaca ma aha wax xanuun ah oo la qaado, hadaba samee kuwan:
- Isku day inaad sameysid qorshe maalinle ah: Isticmaal jadwal malinle ah qorshe si aad u hubis inaad hawlaha muhiimka ah qabato maalintaas.
- U sameeyso jadwal kugu qasbaya inaad la socoto: Kadib markaad sameysid qorshe, ku celceli si joogto ah inaad ku socoto qorshahaas.
- Ha niyad jabin haddii aad dib u dhacdo: Haddii mar kale ay dhacdo inaad dib u dhigto hawl, ha isdhiibin. Dib u bilow ee ku celceli inaad sameysid qorshe wanaagsan.
0 Comments