Latest

6/recent/ticker-posts

qorshe fudud oo qof walba anfacaya

 


Qorshe Fudud oo Qof Walba Anfici Kara

Noloshu mararka qaar waxay noqon kartaa mid jahwareer leh, laakiin inta badan xalalka ugu fiican waa kuwa ugu fudud waxaan kugu soo bandhigayaa 10 talo oo fudud oo aad si sahlan ugu dhaqmi karto, una keeni kara farxad, nabadgalyo iyo horumar nololeed maalin kasta

U bilaw Maalintaada Si Nabad Ah

Markaad hurdada ka toosto, iska ilaali inaad si degdeg ah uga booddo sariirta. Halkii aad markiiba telefoonka u taaban lahayd, qaado dhowr daqiiqo si aad u duceyso, u fikirtid ama u mahadnaqatid. Bilowga wanaagsan wuxuu saameyn ku yeeshaa maalinta inteeda kale.

 Qorshee Maalintaada

Maalin walba isku day inaad qorto ugu yaraan 3 waxyaabood oo aad rabto inaad qabato. Qorsheynta yar waxay kaa ilaalisaa jahawareer waxayna kaa dhigaysaa mid wax-qabad leh, xitaa haddii aad guriga joogto.

 Cab Biyo Badan

Biyaha waxay nadiifiyaan jirka, kor u qaadaan tamarta, waxaana ay maskaxda ka dhigaan mid firfircoon.kadhigo caado inaad biyo cabto subax walba markaad hurdada ka toosto, iyo maalintaadda

 Jimicsi Fudud Samee

Jimicsigu ma aha inuu yahay mid culus waxaad sameeyn karta Socod 10 daqiiqo ah, laab-laabid gacmaha oo fudud ayaa kaa caawin kara in jidhkaagu firfircoonaado,  iyo inuu dhiiggu wareego, iyo maskaxduna degto.

 Baro Inaad Tiraahdo "MAYA"

Inaad wax walba aqbasho waxay kaa dhigi kartaa mid daalan ama cadaadis badan. Baro inaad si edeb leh u tiraahdo maya marka aad dareento inaadan awoodin ama aadan rabin. Naftaada xad u yeel.

 Ka Fogow Dadka Tabaneeya (Negative People)

Dadka had iyo jeer tabanaya ama niyad-jabka keena waa kuwo sun u noqon kara maskaxdaada. Ma ahan inaad si cad u nacdo, laakiin si tartiib ah u yaree waqtiga aad la qaadato.

 Ku Celceli Mahadnaqa

Maalin walba sheeg ugu yaraan 3 waxyaabood oo aad ka mahadcelinayso – caafimaadka, qoyska, ama xitaa neecawda nadiifta ah ee subaxda. Mahadnaq joogto ah wuxuu kordhiyaa farxadda gudaha.

 Hurdada Ha Dayacin

Jidhka iyo maskaxdu waxay u baahan yihiin hurdo si ay u soo kabtaan. Isku day inaad hesho ugu yaraan 6–8 saacadood oo hurdo tayo leh. Hurdo la'aanta waxay hoos u dhigtaa tamarta iyo niyadda.

 Akhri Wax Cusub Maalin Kasta

Ma aha inaad buug dhameyso, laakiin weedh xikmad leh, maqaal yar ama xitaa qoraal fiican oo blog ah ayaa maskaxdaada kobcin kara. Akhriska joogtada ah wuxuu fura aragtiyo cusub.

 Naftaada U Naxariiso

Qalad waa la gali karaa, qof walbana wuu qaldamaa. Halkii aad isku canaanan lahayd, baro qaladkaaga oo sii soco. Naftaada ula dhaqan sidii saaxiib wanaagsan oo kale.


Nolosha wanaagsan ma aha mid qasnad dahab ah laga helo, balse waa in si fudud oo xikmad leh loo fahmo waxa nolosha qiimaha u yeelaya. Talooyinkan yar-yar ee maalinlaha ah waxay kaa caawinayaan inaad horumariso naftaada, caafimaadkaaga, iyo farxaddaada.


 

Post a Comment

0 Comments