Cadaw ma laha oo Dumarku waa Calansidaha Ummadda Soomaaliyeed. Waa kuwa dhaliya xiriirka ehelnimo iyo isku dhafka bulsho. Waa macallinka afbara ubadka, haddana barbaariya. Waa ilaaliyaha Hantida iyo hab-waanaag Maamulka Qoyska.
Waa kalkaaliyaha ragga iyo taakulaynta deriska. Maaraynta hufan, bilicda san iyo baraaraha qoysku gaaro iyagaa dhaliya, haddana ammaanta raggaa isa siiya. Sidatanu xaq-soor bulsho ma ahan ee caddaalad-xumada dumar lagu hayo dib haloogu noqdo
Bulshada & Meekhaanka Dumarka
Dumarku waa udub-dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Kala guursashada iyo xididnimada ayaa ummadda isaga dhiga ul iyo diirkeed, iyagaana ammaantaas iska leh. Gabadhu beel way ka dhalataa mid kale way u dhaxdaa ayadaana gunudda xiriirka laba qoys, labo reer iyo labo beelood.
Hormuudnimada
hooyada waxaa markhaati cad u ah inay jiraan beelo ku abtirsada magacii
hooyadood, haddana beel kale kasoo jeedday. Isir-wadaaggu ma dhinto oo
muddo dheer buu soo taxnaadaa, wax badan ayaana laysugu taraa. Abaalka
dumar bulshada u galaan lamasoo koobi karo
0 Comments