Dhiirigelta Gabadhaha
gabadhyahay Awooddaadu Waa Mid Aan La Qiyaasi Karin gabadhyahay qaaliga ahi ha iloobin in adiga aad tahay iftiinka, nolosha . Waxaa laga yaabaa in ay jiraan caqabado badan oo kaa leexinaya riyadaada, ama dad aan aaminsaneyn awooddaada—laakiin xasuusnaw.
Waxaad xaq u leedahay inaad riyootid, kuna dadaashid inaad rumayso.riyadaada Awooddaada kuma xirna qof kale ogolaanshihiisa – adiga ayaa is oggolaan kara. Haka baqan inaad hore uu talaabsato sababtoo ah gabadh xooggan oo isku kalsoon uun baa jabkeega wax kabarata,
Dumarka guulaystay maanta, waxay mar ahaan jireen kuwo la yareysto, la iska indho-tiro, laakiin iyagu ma aysan isdhiibin. Waxay rumeeyeen riyadooda, waxayna u socdeen si ay uga dhigaan riyadooda mid run ah. Adiguna waad awooddaa sidaasoo kale.
- Qor riyadaada.oo karumee
- Baro xirfado cusub oo wax tarleh
- Dhiirranaan u hadal marka aad dareento sinaan la,aan
- Naftaada u sheeg inaad qiimo leedahay, mar walba
- Naftaada u sheeg inaad guulaysanayso.
Ha oggolaan in cabsi ay kaa hor istaagto iftiinka. naftaada Adiga ayaa laga yaabaa inaad noqoto dhiirrigelinta jiilalka soo socda wakhtiga dhaw. Gabadhyahay waxaad tahay mustaqbal Haddii aad aaminto naftaada, ku kalsoonatid, is abaabusho oo goor walba la tashatid Ilaahay – waxaad gaari doontaa meel sare, Ha ka quusan guusha waxaay kujirtaa gacantaada..
0 Comments