Sida Loo Kobciyo Kalsoonida Nafta
Kalsoonida naftu waa awoodda aad isku aaminto, isku qiimeyso, oo aad ku kalsoonaato kartidaada iyo go'aamadaada. Waa xoojinta dareenkaaga oo kuu oggolaanaya inaad si madax-bannaan ugu dhaqaaqdo qorsheyaashaada adigoon ka baqin khaladaad iyo dhaleeceynta dadka kale.kaga imanaysa
Faa'iidooyinka Kalsoonida Nafta
- Go'aan qaadasho fudud – Marka aad isku kalsoonaato, waxaad si sahlan u gaari kartaa go'aanno cad oo degdeg ah.
- Xiriir wanaagsan – Kalsoonidu waxay ka caawisaa inaad si furan ula xiriirto dadka kale adigoon cabsi dareemin.
- Dadaal joogto ah – Dadka isku kalsoon waxay diyaar u yihiin inay wajahaan caqabadaha iyagoo rumeysan inay ka gudbi karaan.
- Kobaca shaqsiyadeed – Kalsoonida naftu waxay kor u qaadaa kobocaaga shaqsiyadeed iyo horumarkaaga guud.
Sida Loo Kobciyo Kalsoonida Nafta
Naftaada Aamin
Kalsoonida naftu waxay ka bilaabataa aaminaaddaada. Ku kalsoonow awoodahaaga iyo dadaalkaaga, xitaa marka ay jiraan caqabado. Xusuusnow in horumar kasta uu ka bilaabmo tallaabo yar.
samayso yolaal yar yar
Halkii
aad isku dayi lahayd inaad isla markiiba guulo waaweyn gaarto, samee yoolal yar
yar oo gaaban, sida inaad barato 5 eray oo cusub maalin kasta, ama sida quraanka ood barato ama aad ku
dhaqanto akhlaaq wanaagsan
Is-dhiirrigeli
Markasta oo aad wax fiican qabato, naftaada kumaan. Is-dhiirrigeli si joogta ah waxay sare u qaadaysaa kalsoonidaada, waxayna kaa caawinaysaa inaad si joogto ah u horumariso naftaada.
khaladaadkaaga waxkabaro
Ha ka baqin inaad khalad samayso. Khaladaadka waa qayb muhiim ah oo wax lagu barto. Mar kasta oo aad wax qalado, waxaad heshaa fursad aad wax ku barato oo aad isku saxdo.
La Hadal Dadka Kale
Ku dhaqaaq inaad dadka kula hadasho waxa aad baratay. Xishoodka iska yaree oo si kalsooni leh ula xiriir kuwa kugu hareeraysan.laxiriir dadka kale waxay kordhisaa fahamkaaga iyo kalsoonidaada.
Khaladaadka Caamka ah ee La Sameeyo
- Is-barbardhigista dadka kale – Naftaada ha isbarbar dhigin kuwa kale, maxaa yeelay qof kastaa wuu ka duwan yahay midka kale
- Dhaleeceyntu nafta waa caadi, haddii ay wax kuqaadanayso naftu way wanaagsantahay hadii ay wax laga faa'iidi karo.aytahay
- Is-dhibid joogto ah hais dhiibin mar walba Naftaada ha ku ciqaabin khaladaadka yar yar. lakiin u isticmaal khaladaadka sidii naftu cashar ugabarato
Kalsoonida naftu mahaa wax la la dhasho ee waa wax la kobcin karo. Tallaaboyin yar yar oo joogto ah ayaad ku heli kartaa kalsooni weyn oo aad noloshaada ku horumarin karto. Xusuusnow, hormarkaaga wuxuu ku xiran yahay aaminaada naftaada iyo kalsoonida aad isku qabto.
0 Comments